Wasiir Samaale Oo Shacabka Somaliland Ugu Baaqay Waxaan Isaguba Ku Dhaqmin Iyadoo Lagu Jiray Daamaashaadka Farxada Ciida,QalinkiiBile Warsame Abdi

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN |

download (3)Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdi-casiis Maxamed Samaalle ayaa shir jaraa’id oo uu dhawaan uu qabtay magaalada hargaysa kaga hadlay in ummadda reer Somaliland ay ka kortay xiligii qabyaalladda iyo xag-xagashada wax lagu dooni jiray oo ay u gudbiyeen cahdi ay iyagu gacmahooda ku cuganayaan cidii hoggaaminaysa, isagoo u duur xulayay asxaabta mucaaradka ah waxaana kamid ahaa haddaladiisii “Markaa qofka doonaya inuu dalkan madax ka noqdaa ha u marro wadada wanaagsan ee uu madaxtinimadaasi ku gaadhi karo oo ah ummadda walaaleynteeda, ummadda isku haynteeda, ummadda is-jeclaysiinteedda iyo ummadda ugu baaqida wanaaga iyo horumarka.”
Waa run in ay umada somalilan ay ka kortay qabyaalada iyo nidaamkii ku salaysnaa beelaha, una hogaansameen habka dimuquraadiga iyo dastuurka ay samaysteen in kastoo ay beelnimadu ay saamayn ku leedahay, ay haddana doorashooyin xor iyo xalalal ahi ay dalka ka dhaceen.
Haseyeeshee wuxuu hilmaamay wasiirku in siyaasiyiintu badankoodu in ay yihiin kuwa dib ugu celinaya shacabka qabyaalada iyo nidaamka beelaha si ay danahooda ugu gaadhaan kuwaas oo ugu horeeyo wasiirka laftiisu.
Wasiir samaale xiligii uu ku jiray olalaha musharaxnimada xisbiga kulmiye ee ay ku loolamayeen muuse bixii wuxuu qabtay shirarkii ugu badnaa uguna balaadhnaa oo ku xod xodanayay taageerayaasha beelaysan ee ka dhacay maansoor hotel iyo goobo kaleba.
Marka la isku eego ficilaadaas iyo haddalada hadda kasoo baxaya ayaan ahayn wax isqabanaya ama aad xaqiiqada uga fog, sidaa darteedna wasiir samaale wuxuu la mid yahay wadaad dadka ka wacdiyaya wuxuu isagu ku dhaqmo (practice what you Preach).
Marka aad masuul tahay waxaa fiican in aad naftaada ka bilawdo waxaad dadka ugu baaqayso oo aad ugu horaysiiso, taas oo marka keeni karta in ay dadku wax kaa maqalaan ama waanadaada la qaato.
Waxaa kale oo munaafaqnimo ah in dadka hankaaga oo kale leh ku dhaleecayso in ay samaynayaa waxaad adba ku dhaqanto, waayo ma muuqato in musharixiinta mucaaradku ugu lug leeyihiin shir duceedyada beelaysan ee taageero raadiska ah si ka badan tuu cabdi casiis samaaleba u marayay waliba isagoo masuul qaran ah oo ku takri falal hantida ay ka haraadan yihiin shacabku.
Si kastaba ha ahaatee hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay maalmo la faraxsanaa oo laga nastay arimaha siyaasada oo ahayd maalintii ciida, lama garanayo sababta ka danbaysa.
Bile Warsame Abdi
Hargasa somalailand
Bile25@outlook.com