Daawo Sawirrada Ninkii Loogu Raadiska Badnaa Ee Dhinaca Daroogada Ka Ganacsan Jiray Dalka Mexico Oo La Soo Bandhigay Sidii Uu U Baxsaday.

Filed under: DHACDOOYIN & QORMOOYIN |

guzman_6Ninka lagu magacaabo El Chapo Guzman oo ah nin ku caan baxay ka ganacsiga Daroogada Dalka Mexico Madaxna ka ah Koox ka ganacsatada Daroogada qatarta badan ayaa ka baxsaday xabsi si weyn loo ilaaliyo uu ku xirnaa .

Hogaamiyahan ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa ayaa la sheegay in baxsashadiisa ay sahashay godad waa weyn oo laga qoday xabsiga hoostiisa, waxaana lasoo qoday god dhirirkiisu dhan yahay ilaa 1- KM.

Ciidanka amniga Dalka Maxico ayaa billaabay raadinta Hogaamiyahaasi halista badan ee baxsaday, waxaana ciidamo badan lasoo dhigay wadooyinka laga baxo Magaalada uu ku yaala xabsiga uu ka baxsaday, waxaa sidoo kale si weyn loo baarayaa gaadiidka kala duwan.

Madaxwaynaha Dalka Mexico Enrique Pena Nieto ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in laamaha ammaanku ay dib u soo qaban doonaan ninkasi oo ka mid ah raga ugu awoodda badan ee daroogada ka shaqaysta.

Madaxwaynuhu waxa uu xusay in uu doonayo in la sameeyo baadhitaan buuxa oo ku saabsan sida uu u baxsaday Joaquin Guzman, waxaana hada la xiray oo su’aalo la weediinayaa ilaalada xabsigaasi uu ka baxsaday El Chapo Guzma.

Guzman ayaa gacanta lagu soo bishii February ee sanadkii hore kaasoo muddo 10 sano ah dhuumaalaysi ku jiray, isagoo horay loo soo xiray sanadkii 1993-dii balse xabsiga ka baxsaday sanadkii 2001-dii, kaddib markii uu gacan ka helay ilaaladii xabsiga uu ku jiray xilligaasi.

Mareykanka ayaa sidoo kale in muddo ah ninkan raadineyey maadaama kooxda uu madaxa u yahay ee Sinaloa cartel ay daroogo badan soo geliso dalka Mareykanka, taasoo laga soo gudbiyo xuduudka uu Mareykanka la wadaago Mexico.